Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalkii Shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose in lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab la haayeen.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen labo gaari oo siday Qaraxyo, kuwaasoo ay suurtagal tahay in ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho.
Caanood ayaa sidoo kale xusay in ay burburiyeen Idaacad Al-Shabaab ay leeyihiin oo lagu magacaabo Anduluus taasoo ku taalla degaanka Mubaarak.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgalkaasi tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay gobolka Shabeellaha Hoose.