DHAGEYSO: Taliyaha Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha AMISOM (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka AMISOM oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ugu weyn AMISOM ee Xalane.

Labada dhinac ayaa waxa ay isla soo soo qaadeen xilka cusub ee uu la wareegay Taliye (Gorod) iyo sida ay howshu u socoto, ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya 2018-ka iyo dhacdadii Zoobe sida Dowladda ay jawaab uga bixineyso.

Taliyaha AMISOM General Subagle ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, wuxuuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha Ciidanka AMISOM Soomaaliya ay leedahay hal cadow oo uu ku sheegay Al-shabaab, loona baahan yahay in lala galo dagaal dhinacyo badan ah.

General Subagle ayaa soo hadal qaaday ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, wuxuu tilmaamay wixii hada ka dambeeya in ay bilaabayaan sidii Ciidanka AMISOM ay uga bixi lahayeen dalka, xilligaasi oo ay la wareegayaan ammaanka dalka Ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo dhankiisa hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan marka uu dhamaado waqtiga AMISOM in ay u diyaar garoobaan sidii ay dalka ula wareegi lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay hada in Soomaaliya ay ku jirto xaalad adag, wuxuuna AMISOM ka dalbaday garab istaag, si Ciidanka xoogga dalka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galayo xaalad dagaal, taasi oo hada uu socda abaabulkeeda iyo qorshihii lagu bilaabi lahaa.