DHAGEYSO: Soomaaliland “Wuu jiraa heshiiska saldhig furashada ee Imaaraadka”

Hargeysa-RisaalaFM- Iyadoo maalmihii u dambeeyay warar soo baxayay ay sheegayeen in Imaaraadka Carabta uu qorsheynayo saldhig uu ka sameysto Degaanada Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxaa arrintaasi ka hadashay Soomaaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Soomaaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in wada hadalka ku aadan in Imaaraadka ay saldhig Millatrai ka furato Degaanada Soomaaliland uu dhexmaray Wafdiyo kala matalaya Labada dhinac.

Sidoo kale Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay ilaa hada in aysan jirin heshiis rasmi ah, loona ogolaan in Imaaraadka Carabta uu saldhig Millatari uu ka furto Degaanada Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland uusan ka soo bixin wax diidmo ah, welina uu harsan yahay wada hadalka u dhaxeeya Soomaailand iyo Imaaraadka carabta.