Home Wararka DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

SHARE

London-RisaalaFM- Maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlay BBC ayaa waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in dib loo bilaabo wada hadaladii ay la lahaayeen Soomaaliya, oo hakad galay.

Wasiirka oo Magaalada London kaga qeyb galaya shir ku saabsan arrimaha Somaliland ayaa waxa uu sheegay wada hadalada marka ay bilowdaan kadib in ay rajeynayaan wax wanaagsan in ay ka soo baxaan.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.