Muqdisho-RisaalaFM- Shalay waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka, waxaana uu sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.
Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25-ka September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxa uu sheegay in ay dhacayso 24-ka September ilaa iyo 10-ka October.
Sidoo kale Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25-ka October.
Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa ugu dambeyn cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October.
Siyaasiyiinta qaar ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Guddiga Doorashooyinka iyo sidoo kale in waqti kordhin ay sameystaan Madasha Wadatashiga Qaran.
Siyaasiga Saciid Ciise Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka aysan dhex dhexaad ka aheyn Howsha ay wadaan, sidoo kalena Madsha Qaran ay kuwo sida ay rabaan wax walba u maamulaya.