Home Wararka DHAGEYSO: Shirkii Ganacsiga dalka Turkiga oo la soo gaba gabeeyay.

DHAGEYSO: Shirkii Ganacsiga dalka Turkiga oo la soo gaba gabeeyay.

SHARE

C/Laahi Cismaan oo ka mid ganacsatda ka qayb gashay shirkii lagu soo gaba gabeeya Istanbuul.

Idaacadda Risaala ayaa si toos ah xaga Internetka kula xiriirtay waxaana uu ka warbixiyay shirka ganacsiga looga hadlayay iyo waxyaabihii looga hadlaayay.

C/Laahi Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in halkaas lagu soo bandhigay cilaaqaaka ka dhaxeeya labada dowladood ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in ganacsatada Turkiga ay balan qaadeen in maalgashi ay ku samayn doonaan ganacsiga Soomaaliya isagoo intaa ku daray in ganacsatada Soomaaliyeed ay hormar dhanka ganacsiga ah ay sameeyaan.

C/Laahi Cismaan ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in shirkii kale ay dowladda Soomaaliya iyo dowladaha caalamka ay ka qayb galayeen in maalinta bari ah uu furmi doono laba maalmoodna uu socon doono isagoo intaa ku daray in shirkaas looga hadli doono arimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya.