Home Wararka DHAGEYSO: Shil khasaare geystay oo ka dhacay Cisaleey

DHAGEYSO: Shil khasaare geystay oo ka dhacay Cisaleey

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil khasaare geystay oo ka dhacay degaanka Cisaleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii Gaari Dheyno ah oo Ceel-macaan ka keenay Caano, ayna saarnaayeen dad badan, kuna soo jeeday Muqdisho, uu Darawalka u kaxeeyay Gaariga si masuuliyad daro, isaga oo aan heysan wado nadiif ah, taasina ay keentay in gaariga uu rogmado markii uu soo marayay degaanka Cisaleey.

Inta la xaqiijiyay Sagaal qof oo ka mid ah dadka saarnaa Gaariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, dadka dhaawacmay waxaa ku jira Saddex Haween ah, waxaana dhammaantood loo soo qaaday Isbitaalka Keysaney ee Muqdisho.

Qof degaanka ka mid ah ayaa Risaala uga waramay qaabka ay wax u dhaceen.