Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo Madaxtooyadda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayay soo ifbaxday Khilaafka Madaxtooyadda iyo Taabid, waxaana Gudoomiye Taabid uu ka baaqsaday xalay kulan uu doonayay in uu isku casilo.
Waxgaradka Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in xilka laga qaado Gudoomiye Taabid oo ay ku tilmaameen nin firfircoon.