Home Wararka DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo aragti ka dhiibtay Baasaboorka ay Afrika yeelatay

DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo aragti ka dhiibtay Baasaboorka ay Afrika yeelatay

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxa ay arargti ka dhiibteen in Afrika ay yeelato Hal Baasaboor oo mideysan.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin Baasaboorkan cusub oo ay yeelatay Afrika.

Waxa ay sheegeen in ay Dadka Afrika gaar ahaan Soomaalida ay usahli doonto sidii ay si fudud ugu tagi lahaayeen dalalka kale ee Afrika.

Dhowaan ayay aheyd markii Qaarada Afrika ay markii ugu horeysay yeelatay Baasaboor cusub oo ka dhaxayn doona guud ahaan Qaarada Afrika, kaas oo ay qaadan doonaan  Dadka ku nool Qaarada.

Baasaboorkan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay sidii ay isku dhex geli lahaayeen Dadka Qaarada Afrika, uuna u fududaan lahaa isku socodka Dadka Qaarada.

Dhamaan Madaxda Afrikaanka ee Shir madaxeedka 27-aad kaga qayb galay Magaalada Kigali ayaa loo qaybiyay Baasaboorkan, Iyadoo lagu wargeliyay in ay Dalalkooda ka dhaqan geliyaan.