Gedo-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee degaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo.
Korneel Guhaad Maxamed Cumar oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Dowladda ee degmada Baardheere oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in aysan garan karin ilaa hadda sababta ka dambeysa Ciidanka Kenya in ay ka baxaan degaanka Tarako.
Wuxuu sheegay Ciidanka Kenya ee ka baxay degaanka Tarako in ay u jiheysteen dhanka degaanka Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo, waxaana horey u sii raacay Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Ururka Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen degaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen Ciidanka Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa waxa ay degaanka Tarako ee gobolka Gedo la wareegeen bartamihii sanaddii 2015-kii xilligaas oo Milliteriga Kenya ay duulaan ku ahaayeen degmada Baardheere.
Dhanka kale Ciidanka Kenya ayaa 20-kii bishan xilli aroornimo ah waxa ay isaga baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib laba sano oo halkaasi ay ku sugnaayeen.