DHAGEYSO: Ramadaan Kariim

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa caawa dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, oo Muslimiinta dhammaan meel walba oo ay joogaan ay aad u sugayeen, bilashada Bishan.

Dowladda Sacuudiga, Qadar Imaaraadka Carabta iyo Dowlado kale oo Islaam ah ayaa xaqiijiyay in caawa ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, dhammaan dadka Islaamka ahna laga doonayo in ay Soomaan.

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada dalka ayaa dhankooda ku dhawaaqay in caawa ay bilatay Bisha Ramadaan, berrina ay tahay Soon.

Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Gobolka Galgaduud iyo Gobolo kale ayaa laga arkay Bisha Ramadaan, sida ay inoo sheegeen dad halkaasi ku sugan.

C/kariin Bulxan oo ah Agaasimaha Radio Caabud-waaq oo ku sugan Gobolka Galgaduud oo ka mid ah dadka arkay Bisha Ramadaan ayaa Risaala u waramay.