DHAGEYSO: R.W Soomaaliya oo ka hadlay ammaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa waxa uu sheegay Xukuumada in ay bilowday wax ka qabashada arrimaha Amniga.

Waxa uu sheegay Xukuumada in ay la timid Talaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo Amniga, maalmahan dambana la fashiliyay Qaraxyo lala beegsan rabay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay canshuurtii dalka laga qaadayay in ay korortay oo ay ku korortay Qasnada Dowladda, si mushaarka loogu bixiyo, wuxuuna tilmaamay in ay soo ifbaxayaan talaabooyin ifafaalo leh.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay Dowladnimada iyo hormarka shacabka in uu dhow yahay, loona baahan yahay in laga sii shaqeeyo, maadaama talaabooyinkii ugu dambeeyay lagu guda jiro.

Mudane Khayre ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, si ay u helaan waxyaabaha ay ka tabanayaan oo ay ugu horeyso xuquuqda Gobolka Banaadir.

Todobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii Ciidanka ammaanka Magaalada Muqdisho ku qabteen Labo Gaari oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana Ciidanka ammaanka ay muujinayaan feejignaan dheeri ah.