Home Wararka DHAGEYSO: R.W Khayre oo Todobaadkiiba Laba jeer la xisaabtamaya Wasiiradiisa

DHAGEYSO: R.W Khayre oo Todobaadkiiba Laba jeer la xisaabtamaya Wasiiradiisa

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla xisaabtan la yeelanaya Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay maalmaha Sabtida iyo Axada ee Todobaad walba in R/wasaaraha uu mid mid ula fariisanayo Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasiirada ka dhageysanaya waxa ay qabteen iyo howlaha horyaala Todobaadkaas.

Ujeedka laga leeyahay qorshahan ayaa ah sidii loo dardar gelin lahaa howlaha laga rabo Xukuumada Soomaaliya, shacabkana ay ugu qancaan shaqada Dowladda ay heyso.

Mudane Khayre ayaa horey u sheegay xukuumadiisa in ay hal ku dhig u tahay in la isla xisaabtamo, taasi oo noqoneysa shaqo ku dhisan isla xisaabtan.