DHAGEYSO: QM oo ka walaacsan Dib u dhaca ku yimid Doorashada

Kadib markii Guddiga Doorashada dadban ee dalka Isniintii ay shaaciyeen in muddo bil ah dib loo dhigay Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo, ayaa waxaa soo baxaya walaac ay muujinayaan Xubnaha Qaramada Midoobay.

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Soomaaliya.

Keating, ayaa sheegay dib u dhaca Doorashada ku timid inay sabab u tahay labo arimood kuwaasi oo uu ku kala sheegay, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xigxigay oo horay u dhacay.

Walaaca ay muujisay Qaramada Midoobay mid la mid ah waxaa qaba Siyaasiyiinta Xil doonka ah ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo sheegaya in ay la yaaban yihiin dib u dhacyada ku yimid Doorashooyinka Soomaaliya.