Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu si aad ah u adkeynayo ammaanka degaanada gobolka Mudug, gaar ahaan qeybta ay maamusho Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay hadii ay yihiin Puntland, Xukuumad iyo shacab in ay diyaar u yihiin Nabadgalyo, ayna u hurayaan waqti, dhaqaale, rabitaan iyo dulqaad.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay la hadleen Madaxda maamulka Galmudug, si loo ambaqaado howsha ku aadan sidii gobolka Mudug looga hirgelin lahaa Nabadgelyo dhab ah.
Camey wuxuu sheegay in ay wada dhasheen shacabka labada maamul, taasi awgeedna la doonayo in laga wada shaqeeyo nabad hirgasha.
C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay arkeen dhibta uu leeyahay dagaalka, loona baahan yahay in waqti la siiyo Nabagelyada.