Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadleen warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadanaa in Al-shabaab ay isku aruursanayaan degmada Xarardheere iyo deegaano hoos yimaada degmada Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug.
Taliye Kuxigeenka booliska maamulka Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax oo maanta warbaahinta Garoowe kula hadlay ayaa sheegay in Puntland ay ka feejigan tahay Al-shabaab weerar kale ku soo qaadaan Puntland.
Waxaana uu sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay heegan ugu jiraan sidii ururka Al-shabaab ay uga difaaci la haayeen deegaanadooda.
Hadalka taliye Ku-xigeenka booliska maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax ayaa ku soo aadaya xili shalay Maraakiib dagaal iyo diyaarado lagu arkay deegaanka Garacad.