DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay Hay’adaha ka howlgala Degaanadeeda

DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay Hay’adaha ka howlgala Degaanadeeda

SHARE

Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa waxa uu sheegay in dib loo eegayo shaqada Hay’adaha ka howlgala Degaanada maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay Hay’adaha samafalka ee ka howlga Degaanada Puntland in lagula xisaabtamayo shaqada ay ka hayaan Puntland, si loo hubiyo waxa ay qabanayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan Hay’ado iska yaaca oo aan waxba u qaban shacabka, laguna eedeeyay in ay ku kaceen falal aan wanaagsaneyn.

Axmed Karaash siirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay Hay’adaha in aysan lacago ka rabin, laakiin laga doonayo waxbixintooda in ay wado sax ah u maraan.