DHAGEYSO: Munaasabadda Caleemo Saarka Ugaas Xasan oo ka socota Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolaka Hiiraan gaar ahaan Garoonka kubada cagta ee C/kariin Laqanyo waxaa si toos ah uga socota xafladda caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano, Siyaasiyiin Dhalinyaro iyo Qeybaha kale ee bulshada.

Saraakiisha dhanka amniga gobolka ayaa waxa ay sheegeen in si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Beledweyne gaar ahaan goobta ay ka dhaceyso Munaasabadda.

Wariyaha Risaala ee magaalada Beledweyne Yuusuf Cabdi Aadan oo ku sugan goobta ay Munaasabadda ka dhaceyso ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.