Home Wararka DHAGEYSO: Mooshin Xil ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweynaha Galmudug

DHAGEYSO: Mooshin Xil ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweynaha Galmudug

SHARE

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Cadaado ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug waxaa ayaa sheegeen in ay Mooshin xil ka qaadis ah ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kulan ay ku yeelan lahaayeen Magaalada cadaado waxaa hor istaagay madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay usoo jeesteen la xisaabtanka Madaxda Sare ee Galmudug.

Xildhibaan Burhaan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Mooshin ay u keeneen sababo la xariira xil gudasha la’aan ku timid Madaxda Galmudug