Baydhabo-RisaalaFM- Xildhibaanadii Mooshinka ka waday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ay sheegeen in maanta kulan ku yeelan doonaan Magaalada Baydhabo.
Waxa ay sheegeen xildhibaanadan in tiro ahaan ay gaarayaan 90, sidoo kalena maanta ay ka tashan doonaan sidii waqti dhow loo horgeyn lahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mooshinka ay ka wadaan Shariif Xasan oo ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.
Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka mid ah xildhibaanada maanta kulanka yeelanaya ayaa wuxuu sheegay in ay ka tashan doonaan sidii Mooshinka loogu gudbin lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna iska fogeeyay in ay wadaan fara gelin.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay arrinta la xiriirta in xilligan Mooshin laga keeno Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo markii ugu horeysay 8-dii bishan ka hadlay Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada ayaa sheegay cidii rabta hoggaanka Maamulka iney qabato in looga baahan yahay iney sugato waqtiga doorashada balse hada aysan wanaagsaneyn in mooshin iyo shirar Maamulka lagu duminayo la abaabulo.