Xawaadley-RisaalaFM-Deegaanka Xawaadley duleedkiisa ayaa lagu arkay meydadka saddex ruux, oo mid ka mid ah la sheegayo inay tahay Haween sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Dilka loo geystay dadkaan ayaa la sheegay inuu salka ku haayo arimo ku aadan aargoosi aanooyin qabiil ah, xilli deeganada hoostagga Degmada Balcad maalmahan ay ka taagneyd xiisad arintaasi la xiriirta.
Maamulka Deegaanka Xawaadley ayaa sheegay inay baarayaan dilalkaan cida geysatay, inkastoo ilaa hada aanan la ogeyn rasmi ahaan dadka dilkaan fuliyay.
Gudoomiyaha deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulaahi Macaan Abeerow oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka ay dagaalameen.
Shalay ayey aheyd markii Deegaanka Xawaadley uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubaysan oo halkaasi isku fara saaray.
.