DHAGEYSO: Maxaa looga hadlay kulankii Maanta ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug ?

Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, waxaa ay ka hadleen dardargelin doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka laaban doonin go’aanka ay xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Shariif Arwaax oo ka mid ah xildhibaanadii Maanta yeeshay kulanka ayaa u sheegay idaacadda Risaala in xildhibaanada kulankoodii maanta ay kaga hadleen arimo la xariira doorshada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd Markii xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug qaarkood ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug , islamarkaana ay doonayaan in ay Galmudug ay yeelato hoggaan cusub.