Home FAALLOOYINKA WARBIXIN: Maxaa ka dhaqan galay amarkii Wasiirka Amniga ?

WARBIXIN: Maxaa ka dhaqan galay amarkii Wasiirka Amniga ?

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa 30-kii November 2017 wuxuu soo saaray digniin cusub oo la xiriirta dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho, kadib hadal uu siiyay Warbaahinta Dowladda.

Wuxuu ka hadlay hubka Magaalada lagu dhex wato, wuxuuna sheegay inay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo aanan dhaqan gelin amar hore oo ahaa in aanan la wadan karin illaalo Afar Askari ka badan.

Wuxuu sheegay laga bilaabo maalinkaas uu shirka jaraa’id qabtay, dhamaan masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in laga doonayo inaysan ka xeysan wax ka badan Afar askari oo ciidamada dowladda ah, cidii lagu arkana tallaabo in laga qaadi doono.

Wasiirka Amniga ayaa digniintii uu soo saaray waxay u muuqataa mid noqotay beylac oo weli aanay dhaqan gelin, maadaama wadooyinka Muqdisho ilaa hadda lagu arkayo masuuliyiinta Dowladda oo wata Afar Askari ka badan iyo qori ka weyn AK-47.

Sidoo kale 12-kii May kulan Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jirtay in Golaha Wasiirada ay xadidaan Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xilligaasi warbaahinta la hadlay, kadib kulankii Golaha Wasiirada.

Hadii hubka tirada badan lagu wato Muqdisho waxaa dhacaya falal kama ah iyo inuu yimaado kala shaki badan, tusaale 22-kii November 2017 Alle ha u naxariistii waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen Ilaalada Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Yareynta hubka ee magaalada Muqdisho waxay dhalineysaa in la xakameeyo ammaanka Muqdisho ilaa xad, waxaana shacabka ay helayaan xasilooni amni, si taasi ay u timaado ayaa muhiim ah in Dowladdu ay qaado talaabo amniga wax looga bedelayo.

Shacabka Muqdisho qaarkood oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen amarada mararka qaarkood ka soo baxa Hay’adaha amniga ay yihiin kuwo jugjug meeshaada joog ah.

Dadka sida aadka ah u falanqeeya arrimaha amniga ayaa Dowladda Federaalka gaar ahaan Hay’adaha ammaanka waxay ugu baaqeen in ay ka dhabeeyaan amarada ay soo saaraan, si deg deg ahna ay ku fuliyaan si isbedel uu u yimaado.