Muqdisho-RisaalaFM- Sida muuqata hadda waxaa isku dhagan Hay’ado awood ahaan isla siman, kuwaasi oo kala ah Hay’adda Sharci dajnta dalka Golaha Shacabka iyo Hay’adda Garsoorka dalka, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya shalay ay laaleen go’aankii Maxkamada sare ay ku amreysay dib ugu noqoshada kuraasta Sideed xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan.
Baarlamaanka ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku laalay go’aankii Maxkamada Sare, kadib markii Xildhibaanada ay u codeeyeen arintaasi, dadka qaar ayaa ku sifeeyay laalista Xildhibaanada mid qaldan, kuwa kalena waxa ay ku sheegeen inay tahay mid sax ah.
Prof. Maxamed Cumar Mayre oo ka tirsan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Hay’adaha Garsoorka iyo Sharcidajinta ay yihiin Hay’addo kala madax banaan, Baarlamaankana laga doonaayay inay tixgeliyaan go’aankii maxkamada Sare ay soo saartay.
Baarlamaanka Soomaaliya qaab caynkee ah ayeey u laaleen go’aankii Maxkamada Sare, markii Xildhibaanada ay u codeeyeen natiijadii ka soo baxdayse maxay noqoatay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sharaxaya.
Markii Baarlamaanka Soomaaliya ay shalay si rasmi ah ulaaleen go’aanadaasi ayaa warqad ka soo baxday Maxkamada Sare ee dalka mar kale waxaa lagu amray Hay’addaha ay khuseyso fulinta go’aankaasi inay dhaqangeliyaan, iyadoo maxkamada ku adkeysanaysa go’aankii horay ay u soo saartay ee dib ugu laabashada doorashada Sideeda Kursi.
Sidoo kale waxaa iyana isqab qabsi uu ka taagan yahay Wasaaradda arimaha gudaha oo Wasiirkii, Wasiir ku xigeenkii iyo Wasiiru dowlihii isku dhagan, khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda arimaha Gudaha.
Wasiir abdi Faarax Saciid Juxaa, ayaa xilkii ka qaaday Yaxye Cali Ibraahim, Xoghayihii Joogtada Wasaarada arimaha Gudaha, waxaa arintaasi ka soo horjeestay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha gaudaha, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi.
Dadka Odorosa Siyaasada Dowladda ayaa sheegaya khilaafyadan cusub ee dhashay inay sababi karaan dib u dhacyo ku yimaado Dowladda, maadaama hadda xoogaa horumar ay gaartay Dowladda Soomaaliya.
W/D:- Feysal C/laahi Maxamuud