Kismaayo-RisaalaFM- Waxaa meel gabo gabo ah maraya qorshaha madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku doonayo in uu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland oo ku qaadatay Madaxweyne Axmed Madoobe muddo fog.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe saacadihii udambeeyay uu kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayna ka wada hadlayeen arimo ku aadan magacaabista Golaha Xukuumadda maamulka Jubbaland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo in uu magacaabo Golle wasiiro oo gaaraya ilaa 18 xubnood.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay soo noqdaan Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland kuwaas oo xukuumadii hore ka muuqday.
Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in todobaadka soo socda uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland, maadaama ay soo gaba gaboobeen magacaabista ku aadan Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland.