DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed booliska ka dalbaday adkeynta amniga

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska maamulkaasi ayaa ugu baaqay iney adkeeyaan amaanka deegaanada Mudug iyo Galgaduud..

Ciidamada booliska ayuu sheegay iney laf dhabar u yihiin amniga guud ahaan ee deegaanada maamulka Galmudug, isaga oo sheegay in looga baahan yahay iney ka feejignaadaan amni daro dhacdo.

Madaxweyne Guuleed wuxuu amaanay ciidamada booliska oo dhawaan gacanta kusoo dhigay ruux dil ka geystay Galgaduud oo uu sheegay inuu waxyeelo kale gaarsiin kari lahaa shacabka kale oo ku sugan deegaanada miyiga.

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.