DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas oo Shaaciyay Ganacsato taageerta Al-Shabaab

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan Ganacsato badan oo Al-Shabaab taageera.

Waxaa uu sheegay in ganacsatadaasi ay ku sugan yihiin degaanada maamulka Puntland ,islamarkaana aysan bixin canshuurihii ku waajibay , laakiin Al-Shabaab ay siiyaan sanadwalba Canshuuro badan.

Maamulka Puntland ayuu sheegay Madaxweyne Gaas in Ganacsatadaasi ay ula dhaqmi doonaan sidii Al-Shabaab oo kale.

Gaas ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab Cabsi ay ka qabaan ay u bixiyaan Canshuuraha iyo lacago badan oo Shabaab lagu taageerayo.

Ugu dambeyntii waxaa uu Shacabka Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuuraha , islamarkaana ay ka qeyb qaataan nabad galyadda degaanada Puntland.