DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo hoggaamin doona dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu hoggaamiyo howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalkaan uu ka duwan yahay kuwii hore oo ciidamada intay meel qabsadaan ay kasoo bixi jireen, laakiin kan uu yahay mid culus oo ay fulinayaan ciidamo isku dhaf ah.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jiraan ciidamo loo diyaariyay in ay suggaan Amniga goobaha laga qabsado Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta Wasaaradda Difaaca halkaasi uu ka waday dib u habeynta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.