Home Wararka DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo” Cabashooyin badan ayaa nooga yimid Maxkamadda”

DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo” Cabashooyin badan ayaa nooga yimid Maxkamadda”

SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda Garsoorka ee dalka si deg deg ah wax looga qaban doono.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad, islamarkaana garsoorka dalka uu noqdo mid shaqeeya oo lagu kalsoon karo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu tilmaamay in marnaba aysan suurtagal noqonkarin in amni iyo horumar la sameeyo, iyadoo uusan shaqeynaynin garsoorka dalka.

Bilihii lasoo dhaafay ayuu xusay in uu waday daraasad ku saabsan Xaaladda Cadaaladda Soomaaliya, islamarkaana hadda ay amba qaadi doonaan sidii loo sixi lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto in la helo Nidaam Caddaaladeed oo lagu kalsoonkaro.