Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan maamulka ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo.
Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxda maamulka, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale.
Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay u gaareen magaalada Baydhabo ayaa waxa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Sanad guuradiii Saddexaad ee Maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo caawa dhaceysa.
Hadal kooban oo warfidiyeenka uu ku siiyay Garoonka ayuu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in Koonfur Galbeed uu salaan uga sido dhammaan Madaxda ku mideysan Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka, halkaasi oo uu kula kulmayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaalada lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.