Madaxweynaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku sugan Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadal dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna.
Waxaa uu sheegay in uu jiro kulan ka dhacay Magaalada Noirobi oo ay la qaateen Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu horudhac u ahaa kulan lagu waddo in maalmaha soo socda uu ka furmo dalka Jabuuti.
Waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin ay la heshiiyaan Galmudug, islamarkaana gobolada dhexe laga dhiso maamul mid ah.
Madaxweynaha Ahlusunna ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad caqabad ku ah Galmudug iyo Ahlusunna wadahadalkooda.
Urur goboleedka IGAD ayaa lagu waddaa in uu garwadeen ka noqdo wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna.