Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka ayaa ka hadlay howlgalka ciidanka AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in aysan suurtagal aheyn in waqti badan ciidanka AMISOM ay iska joogaan.
Waxaana uu sheegay in xilligan la joogo xilligii la diyaarin lahaa qorshaha ciidanka AMISOM ay ku soo afjari lahaayeen howlgalkooda Soomaaliya.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la diyaariyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya si ay ula wareegaan howsha ay hayaan ciidanka AMISOM.
Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa waxa ay ka socdaan qaar ka mid ah wadamada Africa waxa ayna dowladda ka caawiyaan dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab.