Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhaliilay howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiye kuxigeenka Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo lahadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in Shabaab deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha ay gacanta ku hayaan ,islamarkaan aan loo baahneyn weeraro gaadmo oo ay qaadan ciidamo Maraynka ,lakiin loo baahanyahay in weerar toos ah lagu qaado Shabaab.
Calinuur Cumar Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in weerada ay ciidamada Maraykanka ah fuliyeen uu Khasaaro kasoo gaaro dad Shacab.
Waxa uu sheegay in dadka kunool gobolka Shabeelaha Hoose shabaab ay dhibaato badan ku hayaan ,loona baahanyahay in dadkaas la gaarsiiyo dawooyin maadaam cuduro kala duwan ka dilaaceen Shabeelaha Hoose.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa cidanka dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Maraykan ah waxay howlgal ka fuliyeen deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.