Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Run-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qeybo ka mid ah la wareegeen degmada Runirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe,islamarkaana ay shabaab jab gaarsiiyeen.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan howlgalo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe, waxaana howlgaladaasi ciidamada horkacaya taliyaha ciidanka xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed.
Degmada Runirgood ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab, waxaana dagaalkaas tirada ku dhimatay lagu sheegay 22 qof oo soo kala gaartay labada dhinac ee ku dagaalamay Run-nirgood.