Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxa uu ka hadlay Tartankii Maamul Goboleedyada dalka ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in si wanaagsan uu ku soo dhamaaday Tartankii Maamul Goboleedyada dalka, sidoo kalena waxa uu sheegay in Tartamada nuucaan oo kale ah maamulka gobolka Banadir hada kadib uu marti gelin doono.
Waxa uu sheegay Tartankii Maamul Goboleedyada dalka ee lagu soo gaba gabeeyay Garoonka Banaadir Stadium in uu ahaa fariin nabadeed taas oo muujineysa hormarka uu ku socda dalka.