General Bile Ibrahim Adan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beydhabo ee gobola Bay ayaa waxa uu faah faahin dheeri ah ka bixiyay qaraxyadii shalay ka dhacay duleedka magaalada Beydhabo iyo sidoo howlgallo ay sameeyeen.
Generalka ayaa sheegay in howlgallo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka koonfur galbeed lagu soo qab qabtay dad la tuhun sanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii halkaasi ka dhacay.
Waxaana dhanka kale uu sheegay Sarkaalka in in howlgalka dadka ay ku soo qab qabteen ay ku wareejiyeen hay’ada nabad sugidda qaranka Soomaaliya.