DHAGEYSO: Koofur Galbeed “dagaalka Shabaab gaba gabo ayuu marayaa”

Wasiirka Wasaarada Hub kadhigista iyo tababarada meeleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan Shabaab laga saari doono guud ahaanba meelaha ay ka maamulaan deegaanada maamulka Koonfur galbeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in howlgala Shabaab looga saaro deegaanada maamulka Koonfur Galbeed uu maraayo meel gabagabo ah ,islamarkaana bilooyinka soo socda Shabaab laga guuleysan doono.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka Shabaab la kula dagaalamayo ay iska kaashan doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeeb.