DHAGEYSO: Khayre oo la kulmay dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Xasan Clai Khayre ayaa la kulmay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasiirka Haweenka.

Xasan Clai Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya ayaa dadkan u sheegay in Madaxda dalka ay kula xisaabtamaan helista xuquuqdooda.

Waxa uu sheegay Mudane Khayre xukuumaddiisa dadka baahiyaha gaarka ah qaba in ay siineyso fursado shaqo oo noloshooda ay ku maareyn karaan.