Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa beeniyay in ciidamo hubeysan ay la wareegeen magaalada Buuhoodle.
Ciidamo hubeysan ayaa shalay waxa ay la wareegeen magaalada Buuhoodle kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Khaatuma.
Waxaana uu sheegay in wararka sheegaya ciidamo hubeysan in ay la wareegeen magaalada Buuhoodle ay arintaasi tahay mid been abuur ah, iyadoo uu tilmaamay in hada Buuhoodle ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maamulka Khaatuma.
Dhinaca kalena wasiirka war faafinta maaulka Khaatuma ayaa eedeymo ujeediyay xubno ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay fara galin ku hayaan maamulkooda.
Shalay ayay ahyed markii la sheegay in magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn ay la wareegeen ciidamo hubeysan.