Home Wareysiyada DHAGEYSO: K/Galbeed oo ka hadashay go’aankii Maxkamadda Sare

DHAGEYSO: K/Galbeed oo ka hadashay go’aankii Maxkamadda Sare

SHARE

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu sheegay in uu ka soo horjeedo go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku sheegtay in dib loogu laabanayo dib u Doorashada 8 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo Doorashadooda ay horey uga dhacday degaan Doorashooyinka dalka.

Wasiirka Hubka dhigista, Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay mowqifka Koonfur Galbeed ay ka qabto arrintan in uu yahay mid ay kaga soo horjeedaan go’aankii Maxkamadda, ayna taageerayaan go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in aan dib loo dooraneyn Kuraastaasi.