Home Wararka DHAGEYSO: K/Galbeed oo ka hadashay Dagaalka Shabaab

DHAGEYSO: K/Galbeed oo ka hadashay Dagaalka Shabaab

SHARE

Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab, kaasi oo ka dhaca Degaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfura Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Dagaalka Shabaab keliya in uusan ku koobneyn, balse Dowlada Soomaaliya ay Dagaal kula jirto, iyada oo kaashaneysa AMISOM.

Waxa uu sheegay Degaanka Goof-gaduud oo muhiim u ah Magaalada Baydhabo in mararka qaar ay soo weeraraan Shabaab, balse Ciidanka Koonfur Galbeed oo feejigan ay ka hortagaan weeraradaasi Shabaab.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfura Galbeed ayaa sidoo kale sheegay Dagaalka Shabaab in uusan joogsan doonin ilaa laga saaro guud ahaan dalka.