Baydhabo-RisaalaFM- Gudddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxa uu ka hadlay kulamadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu yeeshay iyo ajanadayaashii looga dooday.
Waxa uu sheegay kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed intooda badan in looga hadlayay arrimaha Gurmadka Abaaraha.
C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye Gudddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gurmad la soo gaaraan dadka walaalahooda ah ee dhibaateysan.
Sidoo kale Guddoomiye C/qaadir oo soo hadal qaaday arrimaha Amniga ayaa shacabka Koonfur Galbeed waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.