DHAGEYSO: KG oo ka warbixisay xubno ka tirsan Shabaab oo isku soo dhiibay

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay Howlgalada dardarta leh ee ka socda degaanada Koonfur Galbeed.

Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayuu sheegay in ay iska soo dhiibeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in maalmhii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgalladda ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa uu ugu baaqay dhalinyaradda ku jirta Al-Shabaab in ay kasoo baxaan, islamarkaana ay isku soo dhiibaan maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif ayuu xusay in ay ka go’an tahay daryeelidda dhalinyaradda kasoo baxda Al-Shabaab.