DHAGEYSO: Kalfadhiga Labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare oo lasoo xiray

Waxaa maanta lasoo xiray Kalfadhiga Labaad ee  Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Soo xiritaanka kalafadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa soo xaadiray 30 Xildhibaan , iyadoona Xildhibaanada ay ka kooban yihiin 51-Mudane oo matala maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay  loo soo xiray kala fadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aadi doona degaanadii laga doortay , si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda dadka ay matalaan.