Kusimaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Aqoonyahanada ah ee kusoo biiray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay u dhabar adeegaan Shaqadda ay doorteen.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed aan laga qaadan dhaqaalle badan , laakiin qofka kusoo biiraya uu doortay in uu u shaqeeyo Qarankiisa.
Waxaa uu u xusay in laga doonaayo in ay si hufan uga adeegaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay noqdaan kuwo ku xiran Alle.
Sanadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed kusoo biiray Dhalinyaro Aqoonyano ah oo ka qalin jabiyay Jaamacaddaha Magaalada Muqdisho.