Gudoomiyaha baarlaamaanka dowladda Soomaaliya Maxamed sheekh cusman jawaari ayaa digiin u diray mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya.
Digiinta ayaa ah in xilidhibaanada dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujinayaan maadaam uu sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay dilaan mudanayaasha baarlamaanka dowlada soomaaliya.
Jawaari ayaa sheegay in la dilay xilidhibaano muhiim ah iyo waliba howl wadeenu ka tirsan golaha shacabka.
Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa waxa uu ugu baaqay xilidhibaanada baarlamaanka soomaaliya in ay ilaaliyaan ammaankooda.
Dhawaan ayaa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu dhaawacay Muqdisho.