Home Wararka DHAGEYSO: Jawaari iyo Farmaajo oo Warbaahinta la hadlay

DHAGEYSO: Jawaari iyo Farmaajo oo Warbaahinta la hadlay

SHARE

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhow la hadlay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu garab taagan yahay Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban jeediyay waxaa uu sheegay in uu iscasilay, islamarkaana Faahfaahinta sababta uu isku casilay uu berri bixin doono.

Waxaa uu sheegay in uu arintaasi ogeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in Jawaari Muddo ka badan 50 Sano uu u soo shaqeeyay Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay shaqsi uu baahan yahay Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay Farmaajo in Jawaari laga doonaayo in uu sii waddo howlihii dastuurka oo uu muddo badan kasoo shaqeynaayay.