Home Wararka DHAGEYSO: Ilka Xanaf oo ku laabanaya Somaliland

DHAGEYSO: Ilka Xanaf oo ku laabanaya Somaliland

SHARE

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono degaanada maamulka Somaliland oo uu kasoo jeedo hadii loo diido in uu isku sharaxo xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.

Ilka Xanaf ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya hadii aysan si siman ugu shaqeyn siyaasiyiinta xildoonka ah in uu dib ugu laabtan doono degaanadii uu kasoo jeeday.

Hoggaanka Sare ee dalka ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Cadaaladda.

Ilka Xanaf ayaa muddo dhowr sano ah waxaa uu ahaa gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya, waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta kasoo horjeeda gooni isku taaga Somaliland.