Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf ayaa markii ugu horeysay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya oo hada waqtigeed uu sii idlaanayo aysan waxba ka qaban arimaha garsoorka dalka.
Waxaana uu tusaalooyin u soo qaatay in la dayacay amniga hey’adaha garsoorka dalka, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ogoleyn in xubno cusub lagu soo biiriyo golaha garsoorka adeegga.
Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf waxa uu dhanka kale uu sheegay in dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed wixii ka dambeeyay in aan la magaacaabin garsoorayaal ka shaqeeya Maxkamadda.
Waxa uu hadalkan gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf uu ka sheegay xaflad lagu xusuusanayay weerarkii lagu qaaday xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana ka soo wareegatay muddo 3 sano ah.