Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa muuqanaya in mar kale dib u dhac aan waqtiyeysneen uu ku imaanayo xilliga Doorashada Madaxda ee Dalka, kadib markii kulan Magaalada Muqdisho uga socday Madasha Wadatashiga Qaran war-murtiyeedkii ka soo baxay lagu sheegay in kuraas dheeraad ah lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare, taas oo dhan 18 kursi, waxaana Maamul Goboleedyada loogu kordhiyay min 3 xubnood oo ka dhigeysa wadarta guud ee kuraasta Aqalka Sare 72 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 52 kursi.
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa kulan Magaalada Muqdisho uga socday mudo sagaal maalmood ah, waxa ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka sugayeen go’aanada ka soo bixi karay Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku aadan waqtiyeynta Doorashada Madaxda Dalka, oo ilaa iyo hada aan meelna uga qorneyn war-murtiyeedkooda.
Waxyaabaha ay sidoo kale Madasha ay go’aan ka gaartay lagana sugayay waxaa ka mid ah 11 kursi oo horey natiijadooda ay u laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka, balse kulankan kii ka horeeyay ay ku naqdiyeen go’aanka Guddiga Xalinta, taas oo keentay in Beesha Caalamka ay faragelin ku sameeyaan muranka ka taagan kuraasta.
Madaxda Madasha ayaa arintaasi ku dhameeyay si lamid ah sida ay horey u go’aamiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, hase yeeshee arrinta ku cusub ayaa ah in Madasha ay sheegtay in xubno gabi ahaanba laga saaray Tartanka Doorashooyinka ee uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyarada Dowladda Federaalka in xuquuq siyaasadeed ay u leeyihiin in markale ay tartami karaan lana dooran karo.
Aqoonyahnada Soomaaliyeed ee ka faalooda siyaasada Dalka ayaa qaarkood qaba in talaabadan ay tahay mid ceeldheer ku sii rideysa rajada ah in waqti dhow ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, Aqoonyahan Cumar Nuur Cali ayaa ka hadlaya.
W/D:- Mohamed Abdi Ali